Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeer kedis ah ku tagay Baraha lagu hubiyo gaadiidka ee ku yaalla Waddooyinka Wadnaha, Sodonka iyo Warshada.
Waxa uu la kulmay askartii heegaanka ku jirtay isaga oo ka xog wareystay qaarka ay u howlgalayaan.
Cabdinaasir Siciid Muuse wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Kormeerkiisa aan jirin cid ku wehlisay.
Ujeedka waxa uu ku sheegay in uu qiimeeyo Askarta sugaya ammaanka ee ku sugan Baraha kontorolaada iyaga oo aan lagu wargelin ama ka war heyn socdaalkiisa.
Intaas kadib waxa uu kulan gaar ah la qaatay mas’uuliyiinta ammaanka isaga oo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa howlgalada, maadaama qaybaha dambe ee bisha Ramadaan lagu jiro, isla markaana ay soo dhawdahay munaasabadda Ciidul fidriga.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya uu u gudbiyay saraakiisha waxyaabaha uu kula soo kulmay goobaha uu tagay inkasta oo uusan Warbaahinta u sheegin.
Saddexdii habeen ee lasoo dhaafay mas’uuliyiinta Dowladda waxa ay kormeer ku tagayeen goobaha laga hubiyo gaadiidka ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxaana socdaalkooda ay ku sifeeyeen in ay ku qiimeynayaan howlgalada ciidamada.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…