Rag loo heysto weerarkii Westgate oo ka soo muuqday Maxkamad ku taalla Nairobi

Maxkamad Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya waxaa la soo taagay afar Nin oo Soomaali ah kuwaas oo loo heysto weerarkii 2013kii ka dhacay Suuqa Westgate ee Magaalada Nairobi.

Raggan ayaa Maxkamadda la soo taagay shalay,waxaana ay ka jawaabayeen weydiimo la xiriira eedaha loo heysto.

Ninka afaraad oo lagu magacaabo Aadan Dheeg, ayaa la sii daayay,halka Ragga kala ah; Axmed Cabdi,  Liiban Cumar iyo Xuseen Mustafa,Maxkamaddu muddo kale u qabatay kiiskooda.

Maxkamadda ayaa go’aankeeda ku sheegtay in dacwadda Raggan la dhegeysan doono 21ka Bishan January.

Dacwadda ka dhanka ah wiilashan ayaa soo billaabatay 15kii January sanadkii 2014kii,waxaana marba dib u dhacayay dacwaddooda.

Weerarkii Westgate oo dhacay 21kii September sanadkii 2013kii,waxaa ku geeriyooday 67 qof oo ay ku jireen dad Reer Galbeed ah.

Weerarkaas waxaa sheegatay AL-shabaab oo ku sheegtay in uu jawaab u yahay dagaalka Ciidanka Kenya ku soo galeen gudaha Soomaaliya.

Mustaqbal media

Recent Posts

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

10 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

12 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

16 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

17 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

17 hours ago

Soomaaliya oo Itoobiya uga tacsiyaysay Dadkii ku dhintay Roobka ka da’ay Gobolka Amxaarada

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…

17 hours ago