War kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM ayaa lagu soo dhaweeyay go’aanka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku qaatay in shaacinta Shirka lagu wado in uu ka dhaco Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta DG Galmudug.
Waqtiga uu qabsoomayo kulanka ayaa ah 1-da Febaraayo 2021 oo berri ku beegan waxaana uu soconayaa ilaa 3-da Bishaan oo isla Arbacada Todobaad ah si Madaxda Heer Federaal & heer Dowlad Goboleed isaga xog wareystaan ka gudubka caqabadaha hortaagan Doorashada Dalka.
Qoraal lasoo dhigay bogga Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM ayaa lagu sheegay in soo dhaweyn & taageero uu u yahay tallaabooyinka lagu hirgelinayo nuuca doorasho ee lagu heshiiyay 17-kii September 2020.
“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweynayaan shirka uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ isugu yeeray Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Fedaraalka ah magaalada Dhuusamareeb, waxa ayna ku boorrinayaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay heshiis isku tanaasul gaaraan si degdeg loogu fuliyo nuucii doorasho ee 17-kii Sebtember” ayaa lagu yiri qoraalka UNSOM.
Beesha Caalamka ayaa taageerada ugu badan ku bixineysa dhaqaalaha loo adeegsanayo Doorashadooyinka Soomaaliya sida ay shaacisay Xukuumadda Federaalka, waxaana laga sugayaa $36 Milyan oo kamid ah $40-ka Milyan ee loo qorsheeyay in lagu hirgelinayo Doorashooyinka Dalka.
Mustaqbal.
Falcelin iska soo horjeedda ayaa lagu wajahay go’aanka Maxkamadda Sare ee Dalka ay ku baabi’isay…
Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Waqooyi Galbeed ayaa ku dhawaaqday natiijada Imtixaannada Dugsiyada Dhexe iyo Sare iyada…
Xukunka Maxkamadda Sare ee la xiriira doorashooyinka Galmudug wuxuu dhaliyay dood iyo hadal-hayn badan. Hase…
Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay dhiggeeda Suuriya ka saartay Liiska Dalalka ku jira…
Dowladda Liibiya ayaa ku dhawaaqday in ay kordhinayso shidaalka ay sida maalinlaha ah usoo saarto…
Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah AS…