Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay baareyso Dil & dhaawac loo geystay Tiro carruur ah oo ku nool waddamaa Ethiopia & Mozambique kaddib markii ay kordheen kiisaska muujinaya xad-gudubka aan xuduuda lahayn ee ka dhacay dalalkaas.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in la helay Meydadka carruur dhan 2,515 (Labo kun, shan boqol, toban & shan), halka la dhaawacay 5,555 (Shan kun, shan boqol, konton & shan) kale dagaallo ka dhacay dunida 2021.
Qramada Midoobay ayaa sheegtay in ay baareyso xad-gudubyadaas oo kordhiyay welwelka laga qabo badqabka carruurta oo ah jiilka Mustaqbalka, si loo helo Dad lagula xisaabtamo loo baahan yahay in la sameeyo guddi baaris ku sameeya kiisaskii dhacay.
Guterres ayaa sheegay in aan la aqbali doonin la dafiro ama la iska fogeeyo mas’uuliyadda dhibaatooyinka ka dhanka ah Carruurta balse marna aanay laga maarmin in la helo Dad lagula xisaabtamo mas’uuliyadda dhibkaas gaaray Carruurta.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay dabagal ku sameyneyso waddamada colaadaha iyo isku dhacyadu ku badan yihiin si looga warqabo Carruurta iyo Dadka kale ee Birimageydada ah ee lagu dul dagaalamayo.
Mustaqbal
Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…