GUDAHA/wararka

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta lagu wado in soo gabagabeeyo booqashadiisa Eretareeya.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo Martiqaad ka helay dhiggiisa Eretareeya Isaias Afwerki ayaa 9kii July 2022 safar ku tagay Magaalada Asmara, socdaalka Madaxweynuhu oo indhaha lagu wada hayay ayaa marqura soo bidhaamiyay dhalinyarada loo qaaday Eretareeya oo xogtooda ay raadinayeen waalidkooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tagay qaar kamid ah Xeryaha lagu tababaray Ciidankaas isaga oo uu wehliyo Madaxweynaha Eretareeya Isaias Afwerki, warbixin guud ayuu ka siiyay xaaladda dalka halka uu xog-dhageystay sida xaaladdoodu tahay.

Ciidamadaan oo qaybo kala duwan loo tababarayo waxa uu goobjoog ka noqday Madaxweynaha Jamhuuriyadda dhoolatus ay ku sameeyeen xeryaha lagu xareeyay Dhalinyaradaan oo ay kusoo bandhigeen waxyaabaha la baray.

Waxa uu ku wargeliyay in ay isu diyaariyaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab marka ay dalka dib ugu laabtaan, qorshaha Dowladda Federaalka ayuu ku sheegay in ay kamid tahay xoojinta nabadgalyada iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka shaqeyneyso sidii dalka dib loogu celin lahaa Dhalinyarada Tababarka ku qaatay Eretareeya oo dhowr jeer ehelkoodu dalbadeen dib usoo celintooda.

Madaxtooyada Soomaaliya oo warbixinno joogta ah kasoo saartay booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku tagay xeryaha Ciidamada lagu hayo ayaa sheegtay in uu ku dhiirageliyay soo bandhigista tababarka la siiyay.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo la hadlay ciidamada ayaa uga warbixiyey qorshaha dowladda ee sugidda amniga guud ee dalka iyo  xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Al-shabaab, kuwaas oo cadow ku ah horumarka iyo dowladnimada shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa soocelinta ciidanka Soomaaliyeed ee ku sugan Ereteriya, isaga oo  xusay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu farxayaan muuqooda halka ay cadawga argagaxisaduna ka naxayaan cududdooda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Dowladda Ereteriya uga mahadceliyay tababbarka ciidamadan oo qayb ka qaadan doona xasilinta Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia soosaartay 10-July-2022.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu maanta soo gabagabeeyo safarkiisa 4ta cisho qaatay ee uu ku joogo Eretareeya, Xukuumadaha Muqdisho & Asmara ayaa lagu wadaa in ay warbixinno kasoo saaraan gunaanadka socdaalka madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?

Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…

18 mins ago

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

5 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

6 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

8 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

9 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

9 hours ago