Warbixin laga diyaariyay Xaaladda Cunno la’aan ee Dalka Yemen ayaa lagu sheegay in Boqolaal qoys ay usoo barakaceen Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti si ay u helaan Cunno iyo Nolol dhaanta tii ay ka Barakaceen.
Biyaha Yemen ay la wadaagaan Soomaaliya iyo Jabuuti waxaa kasoo talaabay Boqolaalkaan Qoysaskaan, kadib markii xaaladda nololeed ay ku xumaatay.
Dadkaan Waxaa isku biirsaday Colaad, Cunno la’aan, Cuduro, Shaqo la’aan iyo go’doon saaran deegaanadooda oo marti u noqday Dagaallo aan dhammaadka laheyn.
Tan iyo Bishii September Xog uruurin lagu sameeyay Qul-qulka Yemeniyiinta ayaa lagu sheegay in ay sare u kacayeen Qaxootiga Yemeniyiinta, marka lala barbar dhigo Bilowgii Colaadda Dalkaas.
Dadka Yemen ee Xog uruurintaan lagu sameeyay ayaa ereyada ay ka mideysan yihiin laga soo qaatay “Dariskeena waxa uu naga xirtay Albaabka” oo ay ula jeedaan in Sacuudiga aan u ogolaan in Dalkiisa ay galaan.
Waxa ay dalbadeen in gurmad lagu siiyo Dalalka ay joogaan ee Soomaaliya iyo Jabuuti oo ay ku barakaceen, maadaama Dalkooda ay ku waayeen cid ku gacan siisa ama ku Caawiso.
Qaarkood ayaa sheegay in Dagaalada iyo Duqeynta ay u dulqaateen oo ay ku noolaayeen Dalkooda, balse waxa ku kalifay in ay Qaxooti noqdaan ay tahay in ay waayeen wax ay cunaan, qaarkoodne ay caleenka Geedaha Cunno ka dhigteen.
Safarka ay ugu soo tageen Yemen oo ay ku soo gaareen Soomaaliya iyo Jabuuti ayay sheegeen qaarkood Dadka Yemeniyiinta in ay kusoo rafaadeen oo Carruurtooda Dhaxanta Biyaha Badda u adkeysan waayeen.
Markii ay yimaadeen waxa ay intaa ku dareen in ay ku adkaatay la qabsiga Cimilada, Maadaama Yemen ay ka hawada gaddisan yihiin.
Isha Warkaan Oman News Agency (ONA).
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…