GUDAHA/wararka

Qaramada Midoobe oo ka digtay Abaar ku dhufuto Soomaaliya.

War kasoo baxay Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobe ee UNHCR ayaa lagu sheegay digniin ku saabsan Saameyn taban oo ku reebto dadka Abaar ka jirta qaybo kamid ah Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay UNHCR oo lagu Magacaabo Babar Baloch ayaa sheegay in khatar ay wajahayaan dadka, balse wadada kaliya ee furan ay tahay gargaar deg deg ah.
Waxa uu intaa ku daray in sanadadii lasoo dhaafay laga hortagay oo la xakameeyay in Macluul iyo Abaar isugu daranto Soomaalida.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay Cashir ka qaateen Abaartii iyo Macluushii Soomaaliya ku dhufutay sanadkii 2011-kii.

Bisha soo socota ayuu sheegay in Xaaladda Malaayiin qof oo Soomaali ah kasii dari karto, kuwaa oo ku nool Deegaanada Abaarta ka jirto, isaga oo tilmaamay in laga hortagi karo hadii dhaqaale loo helo.

Babar Baloch oo ah Afhayeenka u hadlay Hay’adda Qaxootiga u qaabisan Qaramada Midoobe ee loosoo yareeyo UNHCR ayaa sheegay in si dhaw ay ula socdaan Xaaladda Bani aadamnimo ee Soomaaliya had iyo jeer.

50,000 (Konton kun) oo ruux ayuu sheegay Afhayeenku in ay ka barakaceen Deegaanadooda, waxaana jira kuwo kale oo dhimasho iyo Khataro kale wajahaya.

Qaramada Midoobe ayaa shaacisay in 20% oo ah dhaqaalaha loo baahan yahay in wax loogu iibiyo Soomaaliya, gacantooda lacagta ku jirta waxa uu ku sheegay in ay gaareyso $710 Milyan, isla markaana aysan kaafin karin nolosha dadka la samata-bixinayo.

Web master

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

12 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

15 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

17 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

17 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

19 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

19 hours ago