GUDAHA/wararka

Qaar ka mid ah dadka magaalada Caabudwaaq oo u gacanta ku dhigay Hub ka yimid dalka Itoobiya

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud gaar ahaan magaalada Caabudwaaq ayaa sheegay in deegaanka Shiilo-madoow uu ka socda dagaal u dhaxeeya ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya iyo Maleeshiyo hubeysan oo degan deegaanka.

Dagaalka ayaa salka ku haya ka dib markii Hub kala duwan oo saaranaa Laba gaari gaar ahaan nuuca Soomaalida ay u taqaan Candhabeedlaha oo galbinaya ciidanka Booliska ay ka soo gudbeen xadka gobolka Galgaduud uu la wadaago Dowlad Deegaaanka Soomaaliya.

Goobjooge ku sugan magaalada Caabudwaaq oo la hadlay Mustaqbal Media ayaa u xaqiijiyey in gawaarida ay galbinayeen ciidanka Booliska, balse ay is hortaan ku sameeyeen dadka deegaanka, kuwaas oo markii dambe gacanta ku dhigay hubkii saarnaa mid ka mid ah labada gaari.

Qori ka mid ah hubka gacanta u galay shacabka magaalada

Goobjoogaha ayaa sidoo kale noo sheegay in magaalada ay gaareen ciidan ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, kuwaas oo aan la ogeyn u jeedka balse wararku waxa ay sheegayaan in halkaas uu dagaal ka bilowday kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Maamulka Galmudug gaar ahaan Wasaaradda Amniga iyo Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadal hubkaan ka soo  gudbay xadka ay wadaagaan  gobolka Galgaduud iyo Dowlad Deegaanka Soomaaliya, weli si rasmi ah looma ogaan hubka halkii loo waday iyo ciddii lahayd.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Golaha Wakiillada Galmudug oo maanta Doorashada Guddoomiye & labadiisa Ku xigeen

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug waxaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorashada…

23 mins ago

Dowladda Tunisia oo wajahaysa Kacdoon Dhaqaale oo Shacabku wadaan

Dowladda Tunisia ayaa wajahaysa kacdoon ka imaanaya Shacabkeeda oo ka cabanaya dhibaatooyinka dhaqaale ee dalkaas…

51 mins ago

Soomaaliya oo u soo baxday finalka Tartanka CECAFA U-17

Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17 sano ayaa u soo baxay finalka tartanka…

13 hours ago

DFS iyo Ciidamada Koofur Galbeed oo billaabaya howlgal ka dhan ah Askarta taabacsan Laftagareen & AS

Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa sheegay in ay billaabayaan howlgallo ka dhan ah Askarta taabacsan…

15 hours ago

Xiisadda Itoobiya & Eretareeya oo sii adkaatay iyada oo ku dhaw in ay dagaalamaan

Xiisadda u dhaxaysa Itoobiya iyo Eretareeya ayaa cirka isku sii shareertay kaddib markii Ciidamo Itoobiyaan…

21 hours ago

Indha-Qarshe oo noqday sarkaalkii 3aad oo gaaray Derajada Sarreeye Guud

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,…

21 hours ago