GUDAHA/wararka

Indha-Qarshe oo noqday sarkaalkii 3aad oo gaaray Derajada Sarreeye Guud

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe), u dallacsiiyay darajada Sarreeye Guud, taas oo ka dhigaysa sarkaalkii saddexaad ee taariikhda ciidamada Soomaaliya gaara darajadaas.

Janaraal Daahir Indha-Qarshe waxaa darajadan ka horreeyay Alle ha u naxariistee Maxamed Cali Samatar iyo Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), oo hadda ah Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sarreeye Guud Daahir Indha-Qarshe ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku biiray sannadkii 1968-kii, isaga oo tababbarro ciidan oo kala duwan ku qaatay gudaha dalka iyo dibaddiisa.

Wuxuu laba jeer soo noqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sannadihii 2013 iyo 2018, isaga oo door muhiim ah ku lahaa hoggaaminta iyo maamulka ciidamada.

Daahir Indha-Qarshe ayaa ku dhashay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug sannadkii 1948-kii. Waxbarashadiisii aasaasiga ahayd waxa uu ku soo qaatay magaalooyinka Buulo Burde, Jowhar iyo Muqdisho, ka hor intii uusan u gudbin tababarrada milatari.

Intii lagu jiray dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee sannadkii 1977-kii, Daahir Indha-Qarshe wuxuu ka mid ahaa saraakiishii hoggaaminaysay qaybta madaafiicda ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ciidamadii uu qaybta ka ahaa ayaa ka mid ahaa kuwii dagaalkaas ku qabsaday magaalooyinka Qabri Dahare iyo Dhagaxbuur, kuwaas oo ku yaalla dhulka Soomaali Galbeed.

Doorkiisa guutada uu hoggaankeeda qaybta ka ahaa ee dagaalka, ayaa sababtay in guddoonsiiyo Billad Dahab ah oo uu bixiyay madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, kaddib guushii laga gaaray difaacyadii ciidamada Itoobiya ee goobahaas.

Dallacsiintiisa cusub ayaa ku soo beegmaysa kaddib muddo dheer oo uu ku soo jiray ciidanka xoogga milatari, isaga oo ka mid ah saraakiishii taariikhda ku leh Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Soomaaliya oo u soo baxday finalka Tartanka CECAFA U-17

Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17 sano ayaa u soo baxay finalka tartanka…

9 hours ago

DFS iyo Ciidamada Koofur Galbeed oo billaabaya howlgal ka dhan ah Askarta taabacsan Laftagareen & AS

Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa sheegay in ay billaabayaan howlgallo ka dhan ah Askarta taabacsan…

11 hours ago

Xiisadda Itoobiya & Eretareeya oo sii adkaatay iyada oo ku dhaw in ay dagaalamaan

Xiisadda u dhaxaysa Itoobiya iyo Eretareeya ayaa cirka isku sii shareertay kaddib markii Ciidamo Itoobiyaan…

16 hours ago

Abiy Ahmed oo maamul KMG ah u magacaabay Ismaamulka Tigray

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa Maamul Kumeel-gaar ah u magacaabay Waqooyiga dalkiisa gaar ahaan…

18 hours ago

Talyaaniga oo Israa’iil kusoo oogaya dacwad ka dhan ah Kooxihii jabinayay Xayiraadda Gaza

Dowladda Talyaaniga ayaa diyaarisay Dacwad ka dhan ah mas’uuliyiin katirsan Israa’iil kuwaas oo ku eedeysay…

19 hours ago

Golaha Wakiillada Galmudug oo isu diyaarinaya Doorashada Guddoonkooda

Golaha Wakiillada Maamulka Galmudug ayaa isu diyaarinaya Doorashada Guddoomiyaha iyo ku xigeenka Golahaas oo berri…

20 hours ago