Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa Maamul Kumeel-gaar ah u magacaabay Waqooyiga dalkiisa gaar ahaan Ismaamulka Tigray si uu muddo 6 bil ah usii hayo shaqooyinka muhiimka ah sida qabsoomidda Doorashooyin.
Abiy ayaa mas’uuliyiinta maamulka Kumeel-gaarka ah faray in uu ka shaqeeyo daadejinta adeegyada Bulshada sida dib u dejinta Dadkii halkaas ka barakacay, fududeynta isku xirka Dowladda iyo Dadweynaha & waxyaabaha kale ee dhanka Xukuumadda looga baahan yahay.
Xukuumadda Abiy Ahmed ayaa shaacisay in ay la shaqayn doonto xubnaha Guddiga ah isla markaana ay u fududayn doonto waxyaabaha muhiimka ah ee looga baahan yahay Waqooyiga Itoobiya gaar ahaan Ismaamulka Tigray.
Hoggaanka sida kumeel-gaarka ah loogu dhiibay Ismaamulka Tigray ayaa intiisa badan ka yimid xoogaggii kasoo goystay TPLF ee qaybta ka ahaa dagaalladii dhowaan isla kooxdaas looga qabsaday Mekelle & deegaanno kale kuwaas oo la magac baxay TPF.
Mustaqbal
Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17 sano ayaa u soo baxay finalka tartanka…
Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa sheegay in ay billaabayaan howlgallo ka dhan ah Askarta taabacsan…
Xiisadda u dhaxaysa Itoobiya iyo Eretareeya ayaa cirka isku sii shareertay kaddib markii Ciidamo Itoobiyaan…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,…
Dowladda Talyaaniga ayaa diyaarisay Dacwad ka dhan ah mas’uuliyiin katirsan Israa’iil kuwaas oo ku eedeysay…
Golaha Wakiillada Maamulka Galmudug ayaa isu diyaarinaya Doorashada Guddoomiyaha iyo ku xigeenka Golahaas oo berri…