Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa xal u raadinaysa dilalka aanooyinka la xiriira ee Gobolka Mudug gaar ahaan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, Madaxweyne Siciid Deni ayaa kulan arrintaas ku saabsan la qaatay Isimada Dhaqanka, hay’adaha amniga & mas’uuliyiin kale.
Hay’adaha ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa la faray in ay gacan adag ku qabtaan Maleeshiyaadka hubaysan ee dilalka aanooyinka ah ka gaysta Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug si looga hortago sii socoshada dilalkaas.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Isimada Dhaqanka, Xubnaha Golaha Deegaanka ee Gobolka Mudug, Xildhibaanno heer Federaal iyo xubno kale ayaa kasoo muuqday kulanka Madaxweynaha DG Puntland uu xalka ugu raadinayay dilalka aanooyinka.
Puntland ayaa tilmaamtay in ay gacan adag ku qabanayso Dadka ka shaqaynaya falalka liddiga ku ah Amniga Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan beegsiga ka dhanka ah Ganacsatada, Dhaqaatiirta & Dadka kale ee haldoorka ah ee dilalka aanooyinka loo gaysto.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…