Dowlad goboleedka Puntland ayaa go’aamiyay in Dowladda Turkiga lagu wareejiyo Markabka MV Sea World iyo saanada ciidan ee saaran oo 18 bishii June lagu qabtay Xeebta Bareeda ee gobolka Raas casayr
Go’aanka ayaa lagu gaarey kulan ay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ku yeesheen Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi ka socda Dowladda Turkiga oo uu hoggaaminayo Safiirka Turkiga.
Maamulka Puntland ayaa caddeeyay in Dowladda Turkiga la wadaagtay caddeymaha la xiriira in Markabka iyo saanada ciidan ee saaran ay leeyihiin, isla markaasna ay ku socotay xirada TURKSOM.
“Puntland oo ka duulaysa cadeymaha ay soo gudbisay Dowladda Turkiga iyo baaritaankii lagu sameeyay Markabka iyo Shixnada uu sido , ayaa go’aansatay in masuuliyada Markabka MV Sea World iyo hantida saaranba lagu wareejiyo Dowladda Turkiga” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Dowlad goboleedka Puntland.
Muddo 17 cisho ah ayaa maamulka Puntland gacanta ku hayay Markabka Sea World oo ay saaran yihiin saanadda ciidan oo la qorsheeyay in la keeno magaalada Muqdisho.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tillaabada lagu qabtay Markabka ku tilmaamtay fal afduub ah, iyada oo maamulka Puntland ugu baaqday inuu si degdeg ah u sii daayo.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…