ONLF oo sheegtay in Khilaaf laga dhex abuuray Soomaalida Itoobiya.

Xoghayaha ONLF Cabadiraxmaan Maxamed Sheekh Mahdi oo warbaahinta la hadlay ayaa Dowladda Federaalka iyo Maamulka Soomaalida ka dalbaday in ay kahor tagaan colaad dhexmarta Soomaalida iyo Oromada.

Waxa uu dhanka Maamulka Oromada u jeediyay in ay kaalintooda nabadeed ay ka qaataan sidii looga hor tagi lahaa dagaallo saameeyay dadka iyo deegaanka.

Ciidamada Dowladda Federaalka Itoobiya waxa uu xoghaye Cabdiraxmaan ka dalbaday in ay mas’uuliyad iska saaraan arrintaan, iyaga oo ka fogaanaya in aan saameyn Colaadda labada dhinac.

Dhanka kale Xoghayaha ONLF Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahdi ayaa sheegay in deegaanno cusub una badan dhul daaqsimeed laga dhex abuuray Soomaalida Itoobiya.

Khilaafka ka dhashay is qab-qabsiga dhulkaas ayuu tilmaamay in uu taagan yahay, ka jabhad ahaan waxa uu soo jeediyay in lagu baxo daminta colaadaasi.

Waxa uu ugu baaqay Beelahaas in ay deegaanada cusub ay ugu xal tamaan sidii kahor inta aan loo kala qaybin ay ugu wada dhaqmi jireen sida uu hadalka u dhigay.

Xoghayaha Ururka ONLF Cidna kuma tilmaamin ama dusha kama saarin in ay mas’uul ka tahay khilaafka Soomaalida Itoobiya ka dhex jira, hayeeshee waxa uu ku baaqay in lagu baxo kahor tagga dhiig Dad soomaali ah oo la daadsho.

ONLF ayaa shalay ku dhawaaqday in ay kamid noqotay Axsaabta Siyaasadda Soomaalida Itoobiya ee ka qayb galaya Doorashada 2020 la filayo in ay dhacdo.

Mustaqbal media

Recent Posts

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

2 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

2 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

4 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

4 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

5 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

18 hours ago