GUDAHA/wararka

NISA oo sheegtay iney Muqdisho ku qabatay xubin Shabaab ah.

Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, ayaa sheegtay in howlgal gaar ah oo ay ka sameysay degmada Howlwadaag ay ku soo qabatay xubin ka tirsan Kooda Daacish, faraceeda Soomaaliya.

Qoraal lagu soo daabacay Twitter-ka NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka oo dhacay 24-kii bishan oo shalay eheyd lagu soo qabtay ninkan, kaasoo aysan shaacin magaciisa iyo waxa uu Kooxdan ka ahaa.

“Hawlgal 24ka bishaan ciidamada amnigu ka fuliyey degmada hawlwadaag ee magalada Mogadisho ayaa laguso qabtay dhagarqabe katirsan ISIS. Ciidanka amnigu wuxuu siiwadi doonaa hawlgalada ka dhanka ah xubnaha argagixisada AS iyo ISIS, kuwaas oo ku hawlan dhibateynta shacabka” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ma bixin faah faahin intaasi ka dheeri ah, iyadoo sheegtay iney sii wadeyso howlgalada ka dhanka ah Shabaab iyo Daacish.

News Editor

Recent Posts

Soomaaliya iyo Pakistan oo wada saxiixday heshiis la xiriira dhinaca Amniga iyo Difaaca

Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa wada saxiixday heshiis Is afgarad ah oo la xiriira Iskaashiga…

5 hours ago

DFS ayaa shaacisay in ay fududeynayso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari

Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dhiirigalineyso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Bari…

5 hours ago

Dadka Qasa oo maanta Salaada Janaasada ku tukuday 112 ruux oo 3 sano ka dib la helay Meydadkooda

Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…

6 hours ago

DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…

7 hours ago

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

12 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

12 hours ago