War kasoo baxay hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in weerar dhinaca cirka ah (Duqeymo ah) oo ka dhacay Gobollada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud lagu beegsaday xubno katirsan ‘AS’ iyada oo lagu dilay 11 xubnood.
Saddexdaan gobol ayaa ka kala tirsan Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle & Galmudug, waxaana la fuliyay saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, deegaannada sida gaar ah duqeymaha ayaa kala ah: Daarunimca, Tardo & Nooleeye.
NISA ayaa sheegtay in xubnaha la dilay uu kamid yahay Cabdullaahi Ganeey oo ilaa sanadkii 2009kii katirsanaa ‘AS’ isla markaana door weyn uu ku lahaa hoggaaminta dagaallada ay Shabaab fuliyeen sida hadalka loo dhigay.
Hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa sheegtay in howlgallada ay iska kaashadaan Dalalka Soomaaliya ka taageerrada dhinaca fulinta weerarradaan ay kordhiyeen kuna dileen xubno muhiim u ah ‘AS’
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…