Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo boqolaal ruux salaadda ciidda kula tukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka ayaa Shacabka & mas’uuliyiinta ku dhiirrageliyay in ay is gacan qabtaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in is caawintu ay tahay mid alle loogu dhawaanayo isla markaana lagu dhiirragelinayo Dadka aan wax haysan sidaas awgeed laga faa’iideysto fursadda ku jirta.
“Ilmahaagu yaanay farxin iyada oo kuwa deriska ah aanay farxayn, waxa yar aad heysatid is gaarsiiya, dadka Soomaaliyeed waxa aan iskula dardaarmeenaa in aan is gacan qabano” ayuu yiri Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhinaca kale, waxa uu soo hadal qaaday howlgallo xalay ka dhacay deegaanno kala duwan oo dalka ah, waxa uu bogaadiyay ciidamada federaalka iyo macawiisleyda ee iskaashanaya oo guullo muuqda ka gaaray howlgallada socda sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in si guul ah uu kusoo dhammaaday howlgalka ay fuliyeen ciidamada qalabka sida, waxa uu dadka deegaanka ku bogaadiyay doorka ay ka qaadanayaan la shaqeynta ciidamada.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…