GUDAHA/wararka

Maalinta 1aad ee ciidul-fitriga & dabbaaldegga ka socda Dalka

Waxaa maanta la ciidayaa maalinta koowaad ee ciidul-fitriga kaddib markii xalay lagu dhawaaqay in la arkay bilashada bisha Soonfur (Shawaal) meelo badan oo kamid ah Waddamada Islaamka.

Waddooyinka Magaalada Muqdisho waxaa lagu arkayaa Dad badan oo lugeynaya iyaga oo isku diyaariyay dabbaaldegga maalintaan, halka Masaajidda lagu oogay ama lagu tukaday Salaadda Ciidda.

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo xubno xilal kala duwan Dalka kasoo qabtay ayaa boqolaal Shacab ah salaadda ciidda kula tukaday masaajidda ku yaalla Magaalada Muqdisho iyo Gobollada Dalka.

Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa ku idlaatay 29 maalmood, waxaa fariin loo diray dadkii soomanaa oo ah in ay ka taxadaraan waxyaabaha ay cunayaan maadaama muddadaas ay soomanayeen.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…

27 mins ago

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

6 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

6 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

8 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

8 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

8 hours ago