GUDAHA/wararka

MW Laftagareen oo Shacabka & Hay’adaha amniga Koofur Galbeed ka dalbaday in ay xoogga saaraan ka shaqaynta Amniga

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Shacabka iyo Hay’adaha ammaanka faray in ay xoogga saaraan adkaynta nabadgalyada si uu u fududaayo isu socodka deegaannada Dowlad-Goboleedkaas.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa tilmaamay in muhiimadda koowaad ee fursadaha maalgashiga, ganacsiga iyo waxbarashada laga dhex heli karo ay tahay in marka hore xoogga la saaro nabadgalyada sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ‘AS’ ku eedeeyay in ay dhibaato ku tahay deegaannada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, waxa uu bogaadiyay Hay’adaha ammaanka ee Shacabka ku gacansiinaya sidii ay wax uga qaban lahaayeen falalka liddiga ku ah nabadgalyada.

“Xikmadda ku jirta nabadgalyada waa in ay dadka Soomaaliyeed oo dhan gaarto, Dalkaan waxaa ragaadiyay ee nabadda u diiday Talo-xumo iyo Niman Nabad-diid ah, waxa ay caqabad ku  noqdeen Dowladnimada & horumarka, waxaa looga gudbi karaa in si wadajir ah loo wajaho” MW DG Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Hadalkaan waxa uu ka sheegay munaasabad lagu soo gabagabaynayay todobaadka nabadda Koofur Galbeed, waxa uu soo jeediyay in waxyaabihii diiradda loo saaray loo baahan yahay in ficil rasmi ah loo baddelo.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

9 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

11 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

14 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

14 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

16 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

16 hours ago