GUDAHA/wararka

MW Kenya oo 48 saac kaddib cambaareeyay weerarrada Iiraan ay ku qaadday Dalalka Khaliijka Carabta

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa 48 saac kaddib ka hadlay weerarkii jawaabta ah ee Iiraan ay ku qaadday Dalalka Carabta kuwaas oo dhaliyay khasaara isugu jiro dhimasho, dhaawac, burbur iyo hoos u dhac dhaqaale.

William Ruto oo u muuqda in uu indha-indhayn ku hayay xaaladda ka taagan Bariga dhexe ayaa ugu danmbayn cambaareeyay weerarka Iiraan ay ku beegsatay Dalalka Khaliijka Carabta sida Isutagga Imaaraatka Carabta, Qatar, Sacuudiga, Iraaq, Cumaan, Kuwait, Jordan & Baxrayn.

Waxa uu Xukuumadda Tehran iyo Dalalka kale ay is hayaan ee Maraykanka iyo Israa’iil oo xulufaysanaya waddamo badan xusuusiyay muhiimadda nabadda Bariga Dhexe ay u leedahay dunida inteeda kale maadaama goob muhiim ah ay tahay.

“Waxa aan si xooggan u cambaaraynayaa duqaymaha lagu beegsaday Imaaraatka, Qatar, Sacuudiga, Ciraaq, Oman, Kuwait, Jordan & Bahrayn, kuwaas oo ka dhashay dagaalka bariga dhexe, waxaa habboon in lawada hadlo si loo taageero nabadda iyo xasiloonida, Kenya waxa ay taageersan tahay dhabbaha nabadda lagu gaarayo” ayuu yiri MW Kenya, William Ruto.

Dalal badan ayaa muddo indhaha ka daawanayay dagaalka ka socda Bariga Dhexe ee billowgiisa ay ka dambeeyeen Israa’iil, Maraykanka iyo Dalal kale oo xulufo ah kaddib markii sabtidii 28ka Febaraayo 2026 ay duullaan toos ah ku qaadeen Dalka Iiraan.

Xukuumadda Tehran ayaa sida ay horay ugu hanjabtay waxa ay beegsatay Saldhigyada Maraykanka uu ku leeyahay Dalalka Carabta, waxaana maalintii saddexaad oo xiriir ah hakad ku jira maraakiibtii isaga gudbi jirtay Marin Hormuz & duullimaadyadii Diyaaradaha waddamo badan.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

1 hour ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

1 hour ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

2 hours ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

4 hours ago

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…

5 hours ago

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

21 hours ago