Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb xarunta Gobolka Galgaduud ayaa maanta xarrig jaraya Xarunta Baarlamaanka Dowlad-Goboleedka Galmudug oo si casri ah loo dhisay.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kale xarrig jar iyo dhagax ku sameynaya mashaariic kale oo Dowlad-Goboleedka Galmudug laga hirgeliyay & kuwa kale oo la qorsheynayo in laga hirgeliyo deegaannada Dowlad-Goboleedkaas.
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa dhowaan sheegay in Dowlad-Goboleedkiisa uu ka faa’iideystay mashaariicda loogu talagalay in laga hirgeliyo sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale, waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleedka Galmudug isaga oo kala hadlay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ si loo dardargeliyo howlgalladaas loogana qabsan lahaa deegaannada ay weli ka joogaan Gobollada Galgaduud iyo Mudug.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…