GUDAHA/wararka

Donald Trump oo RW Israa’iil ku tilmaamay “Geesi Dagaal”  

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa wareysi uu siiyay Warbaahinta Muxaafidka ah waxa uu ku amaanay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo dambiyo dagaal culus galay isla markaana ay raadsaneyso Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee (ICC).

Donald Trump ayaa mar wax laga weydiiyay sida uu u arko Dagaalka ka socda Gaza iyo culeyska xooggan ee saaran Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu waxa uu si fudud ula soo booday in uu yahay “Geesi Dagaal”.

“Waa nin wanaagsan, waa dagaal yahan, waa geesi aan si wadajir ah u wada shaqeyno, waxa ay isku dayayaan in ay xabsiga dhigaan”. Ayuu yiri Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ku dheeraaday sifada Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Falcelin xooggan ayaa kasoo laabatay hadalkaas, xubno kamid ah muxaafadka iyo mucaaradka Israa’iil ayaa ku tilmaamay ka badbadin aan la barxin, waxa ay sheegeen in haddii Netanyahu uu hayay geesi dagaal uu soo furan lahaa Maxaabiista laga hayo.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhaleeceyn xooggan kala kulmay wareysiga uu bixiyay kuna bogaadiyay Dagaalka uu ku jiro Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo diiwaanka loo geliyay xasuuq, cunaqabatayn iyo dayac mas’uuliyad oo Israa’iil dhexdeeda ah.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…

25 mins ago

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

6 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

6 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

7 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

8 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

8 hours ago