Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Xoosh ayaa beeniyay warar saacadihii la soo dhaafay lagu faafiyay Baraha Bulshada, kuwaasi oo la xiriiray iska casilayo xilka.
War-saxaafadeed uu soo saarey Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo sal iyo raad aan laheyn, isla markaasna lagu jahwareerinayo Bulshada.
“Waxaan ku gudo jiraa gudashada waajibaadkeyga qaran, anniga oo u adeegaya Bulshadeyda, waa been abuur wararka ay faafiyeen shaqsiyaadka isku soo ekeysiiyay wariyeyaal” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.
Isagoo sii hadlaya ayuu yiri “Shacabkana waxaan ka codsanayaa in ay xogta rasmiga ah ka qaataan wararka kasoo baxa akoonadayda rasmiga ah iyo hay’adaha rasmiga ah ee Dowladda Federaalka”
Hadalka ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada lagu faafiyay inuu iscasili doono Wasiirka.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…