Muxuu ku qotomaa heshiis ay Adis ababa ku kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Itoobiya?

Magaalada Adis ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya ayaa waxaa heshiis ku kala saxiixday Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Heshiiskan oo la xiriira iskaashiga dhinaca wax soo saarka, Xoolaha iyo Beeraha ayaa waxaa kala saxiixay Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen iyo Wasiirka Beeraha Dalka Itoobiya Cumar Xuseen.

Waxyaabaha diiradda lagu saaray is afagaradkan waxaa ka mid ah sidii ay labada dal isaga kaashan lahaayeen caafimaadka xoolaha, suuqgeyntooda iyo horumarinta Xoola dhaqatada labada dal.

Ka hor is afgaradka lagu saxiixay Adis ababa waxaa ka horreeyay shir muddo saddex Maalmood ah Magaaladaas uga socday wakiillo ka kala socday Labada wasaaradood.

Ugu dambey labada wasiir ayaa soo saaray Warmurtiyeed dhowr qodob ka kooban :-

1- Anagoo ah Wasiirada X. Xoolaha ee Dawladaha Soomaaliya iyo Ethiopia mas’uulna ka ah arrimaha Xoolaha Iyo Xoolo dhaqatada, waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 28-da Maarso, 2019-ka ku kala saxiixanay heshiis is afgarad is kaashi (MOU) oo lagu hormarinayo loogana wada shaqeeynayo arrimaha caafimaadka Xoolaha, ka hortagga cudurada faafa, suuqgeeynta xoolaha iyo Horumarinta bulshada Xoolaha dhaqatada ee ku dhaqan labada dhinaca ee Xuduuda u dhaxeeysa labada dal.

2- Anagoo dib u egeeyna hab-siyaasadeedkii caafimaadka xoolaha (Policy Framework on Animal Health “RPFAH”) oo ay wada saxiixdeen Wasiirada Xanaanada Xoolaha ee Waddamada xubnaha  ka ah  Urur Goboleedka IGAD sanadkii 2009-kii,  kasoo ku saabsanaa xal u helidda dhibaatooyinka ka jira ganacsiga xoolah iyo  nuglaanshaha  caafimaadka iyo suuqgeeynta xoolaha ee Gobolka ayaa la isla qaatay in cudurada ku dhaca xoolaha iyo awood yarida ganacsatada xoolaha ay yihiin caqabado halis ah ee hor tagan ganacsiga xoolaha abuurana nuglanshaha, waxaana la go’aansaday in si wada jir ah Gobolka oo mideeysan xal loogu raadiyo wax ka qabshada caqbadaha arrimahaas.

3- Anagoo aqoonsan baahida loo qabo in si xoog leh loogu howl galo sidii loo hagaajin lahaa arrimaha caafimaadka xoolaha iyo faya qabkooda (Sanitary measure) si loo fududeeyo bad qabka iyo Kordhinta  ganacsiga Dhoofka Xoolaha iyo dhiiri gelinta nolosha bulshada.

4- Anagoo qirsan caqabadaha ay wajahaan bulshada xoolo dhaqatada (Pastoral Communities), Gancsatada xoolaha iyo kuwa bixiya shaqada caafimaadka xoolaha ee labada dhinac ee bulshada ku nool xuduuda labada wadan isla markaasna si qoto dheer hoos ugu eegeeyna sida ay labada dalba uga go’antahay xal u helidda caqabadahaas loona hormarin lahaa ganacsiga Dhoofka xoolaha.

Waxaa naga Go’an in:-

Dhaqaala u raadinta haddii ay noqon lahayd wadamadeena gudahooda (Soomaaliya iyo Ethiopia) ama aan la kaashano IGAD iyo deeq bixiyayaasha sidii loo maalgelin lahaa shaqooyinka kala duwan ee ku qeexan heshiiska isafagardaka labada dal (MoU) iyo qabyo qoraalka habka dhaqan gelinta ee loogu tala galay sidii loo fulin lahaa qodabada heshiiska kaasoo loo asteeyey ansixintiisa 15-ka April  2019-ka.

Mustaqbal media

Recent Posts

Turkiga oo sheegay in uu Soomaaliya ka caawinayo Amniga Badda

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ka waacinayso adkaynta Amniga Badda si looga hortago…

30 mins ago

Muddo sharciyeedka Xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo maanta ku siman

Waxaa maanta ku siman muddo sharciyeedka Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya loona soo gaabiyo…

3 hours ago

Jarmalka oo kamid noqday Dalalka Yurub ee Dibadbaxyada Dhallinyarada gilgileen

Dalka Jarmalka ayaa kamid noqday Dalalka Yurub kuwaas oo ay gilgileen dibadbaxyada dhallinyada ka cabanaysa…

3 hours ago

Uganda oo Ciidan cusub usoo dirtay Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa Ciidan usoo dirtay Soomaaliya kuwaas oo ah qaybta 48aad si ay u…

4 hours ago

Soomaaliya & Ruushka oo kawada hadlay Amniga iyo Iskaashiga labada Dal

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Moscow kula kulmay Wasiir ku…

23 hours ago

In ka badan 100 Duullimaad oo maanta ka joogsaday Moscow

In ka badan 100 Duullimaad ayaa maanta ka joogsaday Garoonka Diyaaradaha Moscow ee Dalka Ruushka…

1 day ago