Mr. Nicholas “Fink” Haysom ayaa loo soo magacaabay inuu beddelo Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, danjire Michael Keating, Dublamaasigan cusub ee Soomaaliya loo soo magacaabay ayaa u dhashay dalka Koofur Afrika.
Danjire Michael Keating oo maamulayay xafiiska QM ee Somalia – UNSOM ayaa loo magacaabay xilka uu isaga dagayo 22-kii Bishii November, 2015, Isagoo bedelay ergaygii ka horreeyay ee QM ee arrimaha Somalia, Nicholas Kay oo u dhashay dalka Ingiriiska.
Wakiilka cusub ee lagu bedelayo Michael Keating ayaa haatan wuxuu yahay Safiirka Qaramada midoobe ee Dalalka Sudan iyo Koofurta Sudan, iyadoo labadaas dalna Safiir looga dhigay Bishii March ee 2016, Wuxuuna xafiiska si rasmi ah u fariistay Jully.
Sidoo kale, ergaygan cusub ee bedelaya danjire Michael Keating , Wuxuu ahaa Wakiilkii Qaramada Midoobe ee dalka Afghanistan 25-kii September 2014, Sidoo kale Nicholas “Fink” Haysom waa Qareen diirada saara arimaha dimuqraadiyada.
Qaramada Midoobay ayaan weli ka hadlin arrinta ku saabsan inay ergaygeeda Soomaaliya uga wakiilka ah Danjire Michael Keating ay bedelayso, balse ilo wareedyo kale ayaa Mustaqbal u xaqiijiyay in xafiiska UNSOM ee Somalia loo magacaabi doono ergay cusub oo South Afrikaanka Cadaanka ah.
Ergayga cusub ee lagu bedelayo Danjire Michael Keating ayaa wuxuu xilka la wareegi doonaa marka uu sannadkan dhamaadka ku dhowyahay, maadaama xilliga shaqo ee Danjire Keating ku eg-tahay Bisha December 2018-ka.
Dhanka kale, ergayga cusub ee lagu bedelayo ergayga Qaramada Midoobe ee Soomaaliya Mr. Nicholas “Fink” Haysom ayaa wuxuu yahay 66 sano jir, Isagoo dhashay April 21, 1952.
Ugu dambeyn, Danjire Michael Keating ayaa tan iyo markii loo magacaabay inuu ergayga QM ee arrimaha Soomaaliya noqdo, wuxuu xoogga saaray sidii Soomaaliya ay uga dhici lahayd doorasho Qof iyo Cod ah marka la gaaro sannadka 2020-ka ee nagu soo wajahan, waloow aan la ogeyn sida doorashadaas aanu xaadirka ka eheyn noqon doonto.
Si kastaba, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM ayaa waxay shaqadiisu tahay inuu dhanka siyaasada ka caawiyo dowladda Soomaaliya, sidoo kalena uu gacan ka geysto dar-dar-gelinta howlgallada ciidamada AMISOM ay ka wadaan Somalia.
Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…