Ururka Midowga Yurub ay Safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya,waxaana maanta warqadaha safiirnimo ka guddoomay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.
Axmed Ciise Cawad ayaa xarunta Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ku qaabilay wakiilka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicolás Berlanga Martinez.
Wasiir Cawad ayaa sheegay in Midowga Yurub uu xiriir dhow la leeyahay dowladda Soomaaliya, isagana ku qanacsanyahay xiriirka wanaagsan ee laba dhinac ka dhaxeeya.
Intii munaasibadda guddoomidda waraaqaha safiirnimo ay socotay ayaa waxaa ay labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xiriirka, iskaashiga, dib u heshiisiinta,Amniga, iyo dabagalka heshiisyadii ay horay u kala saxiixdeen.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…