Ururka Midowga Afrika ayaa walaac ka muujiyay dagaalka iyo duqeymaha saacadihii la soo dhaafay ka soo cusboonaaday dalalka Bariga Dhexe.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa lagu sheegay in ay ka xunyihiin weerarka Mareykanka iyo Israa’iil ku bartilmaameydsadeen Iiraan.
Midowga Afrika ayaa ku baaqay in ay dhinacyada is xakameeyaan, isla markaasna khilaafkasta oo jira lagu xalliyo miiska wada hadalka.
Sidoo kale, Ururka ayaa ku baaqay in la ilaaliyo sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay si ay u sii jirto nabadda iyo amniga caalamka.
“Waxaan ka digeynaa in xiisadda ay sii kororto, isla markaasna ay colaada asaameysay tamarta caalamka, amniga iyo cunada” ayaa lagu yiri Bayaanka ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf.
Hadalka Midowga Afrika ayaa ku soo aadaya xilli xiisad daran ay ka taagan tahay dalalka Bariga Dhexe, ka dib markii Mareykanka iyo ISL oo is garabsanaya ay weerareen dalka Iiraan.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…