Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee DG Puntland ayaa Xukun ku ridday 6 wiil oo dhalinyaro ah oo ku eedeysay in ay katirsan yihiin Al-Shabaab sida uu sheegay Xeer ilaaliyaha Maxkamadda CQS oo dacwadda ku oogay Raggaan.
4 Kamid ah dhalinyaradaan oo kala ah Farxaan Faysal Salaad, Cabdullaahi Faysal Xuseen, Barkhad Cawil Xiris iyo Liibaan Aadan Muuse waxa ay Maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda.
Cabdiqani Farxaan Cabdullaahi waxaa lagu xukumay 30 sano oo xabsi ah, halka Cabdiraxmaan Cawil Maxamed xukunkiisa uu noqday 20 sano sida fadhiga Maxkamadda uu ka sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda CQS ee DG Puntland.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug qaybta DG Puntland Cabdiladiif Muuse Sanyare iyo mas’uuliyiin kale ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda, Cabdiladiif waxa uu ku hanjabay in la ballaarinayo howlgallada ka socda Gobolkaas.
Cabdiladiif Muuse Sanyare, Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee qaybta Puntland waxa uu laamaha ammaanka faray kordhinta howlgallada ka dhanka ah “Al-Shabaab & Dadka ka ganacsada walxaha maanka-dooriya” sida uu hadalka u dhigay.
Mustaqbal
Dowladda Soomaaliya ayaa muddo saacado ah ku xirtay Ryan Bridge, oo ah nin u dhashay…
Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa magaalada Baydhabo ku guddoomiyay kulan aan…
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa cadaadis xooggan ku haya Wasiirradiisa isaga oo ku cadaadinaya…
Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah dib ugu furay diiwaangelinta ururrada…
Qoyska Matiabe Onchari oo ah 38 jir kasoo jeeda Tuulada Nyamondo, deegaanka Koofurta Mugirango ee…
Qaramada Midoobay ayaa dalbatay in baaritaan madaxbannaan lagu sameeyo howlwadeenno katirsan oo ku dhintay Xabsi…