GUDAHA/wararka

Maxkamadda Ciidanka oo dil ku xukuntay xubno lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin Daacish

Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa ay xukun dil ah ku ridday xubno lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin Ururka Daacish halka kuwo kalena sii deysay.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka Qalabka sida Xasan Cali Nuur SHuute ayaa waxaa uu magacyada labada nin ku kala sheegay Aadan Maxamed Cali iyo C/Shakuur Xaaji Barsani.

Aadan ayey Xeer ilaalinta ku eedeysay in uu ka tirsanyahay qeybta dilalka qorsheysan u fulisa Daacish sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda.

Waxaa lagu eedeeyay in isaga iyo labo qof oo kale ay Askari lagu magacaabi jiray Axmed Hurshe Jaamac ku dileen Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Waxaa kale oo lagu helay in Magaalada Boosaaso ay ku dileen Ganacsade C/Raxmaan Aadan Cali.

Muqdisho waxaa ay ku dileen Axmed Maxamed Nuur, Cabdullahi Muxamed Cali, iyo Axmed Cabdi Xuseen oo ay ku kala dileen Howlwadaag iyo Yaaqshiid.

C/Shakuur ayaa lagu eedeeyay in gacanta lagu dhigay isaga oo gacan siinayay eedeysanaha 1aad oo isku dayay in uu ka baxsado laamaha amaanka.

Maxkamadda ayaa dil ku xukuntay Aadan Maxamed Cali,waxaa ay sidoo kale fasaxday amartayna in la sii daayo C/Shakuur Xaaji Barsanji.

Web master

Recent Posts

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

59 mins ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

5 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

8 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

9 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

10 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

11 hours ago