GUDAHA/wararka

Maxkamad ku taalla Balanbale oo go’aan ka gaartay Shuruudaha la hordhigo Ragga Guurdoonka ah.

Maxkamad ku taalla Magaalada Balanbale ee Gobolka Galgaduud ayaa go’aan kasoo saartay Jaangoynta Dhaqaalaha lagu bixiyo Arooska oo saameyn taban ku yeeshay Ragga guurdoonka ah.

Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Balanbale Cabdi Haajir oo La hadlay BBC-da waxa uu sheegay in ay fadhi ka yeesheen sidii wax looga qaban lahaa Dhaqaalaha badan ee lagu xiro Ninka guurdoonka ah marka uu Inanta doonto.

“Dhibaatada aan aragnay ee sababta u ah go’aankeena waxaa kamid ah, In Gabadha ehelkeeda ay wiilka ku xiraan in uu bixiyo Labo Rati iyo 40 Neef oo ari ah, oo ay usii dheertay Gawaari dhan 40 oo lagu galbiyo Arooska, taasi waa Awood sheegad oo lagu yareynayo guurka” ayuu yiri Cabdi Haajir.

Qaadashada go’aanka lagu bur-burinayo Shuruudaha ku hor-gudban Guurka waxa uu tilmaamay in ay isla gaareen Culimada, Waalidiinta iyo Waxgaradka, si aan culeys looga dhigin Ragga.

“Dhaqaalaha Guurka waxa aan u xadidnay oo waxa aan ka dhignay Saddex Gaari, halka la gowrici lahaa Xoolo aad u badan oo xitaa aan u wanaagsaneen Dadka ka dhigno Xoolo kooban oo aan shuruud ku noqon qoyska Ragga ee Inanta doonta” ayuu raaciyay Gudoomiye ku xigeenka Maxkamadda Balanbale.

MM Editor

Recent Posts

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

1 hour ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

5 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

6 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

7 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

8 hours ago

Maxay tahay fariinta Puntland ay u dirtay Galmudug?

War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…

9 hours ago