GUDAHA/wararka

Maxay ku heshiiyeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya & Kuwait?

Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa dhiggiisa Kuwait Cabdullaahi Cali Cabdullaahi Al-Yaxya waxa ay kawada hadleen arrimo dhowr ah sida lagu sheegay war kasoo baxay labada Wasiir.

Heshiis dhexmaray labada Wasiir ayaa dhigaya in ay ka shaqeeyaan Xoojinta cilaaqaadka labada Dal, dhisidda guddi ka shaqeeya xiriirka Soomaaliya & Kuwait, Wadatashi joogta ah oo labada sameeyaan iyo kuwo kale.

Wasiir Cabdisalaan oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ku yiri “Waxaan heshiisyo muhiim ah ku kala saxiixanay Caasimadda Kuwait aniga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, Mudane Abdullah Ali Abdullah Al-Yahya. Soomaaliya iyo Kuwait waxa ka dhexeeya xiriir walaaltinimo oo soo jireen ah, waxaana rajeynayaa in heshiisyadan ay sii xoojin doonaan iskaashiga dhow ee labada dal.”

“Heshiisyadan waxay si gaar ah diiradda u saarayaan Dhisidda guddi wadaag ah oo dardargeliya iskaashiga laba geesoodka ah, Wadatashi joogto ah oo u dhexeeya labada dal, Is-afgarad dhexmaray Machadka Diblomaasiyadda Saud Al-Nasser Al-Sabah ee Kuwait iyo Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya.” Ayuu intaas ku daray Wasiir Cabdisalaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Soomaaliya ayaa kordhiyay kulamada uu la qaadanayo qaar kamid ah Madaxda Waddamada Carabta, inta badan waxa uu kala hadlay xoojinta cilaaqaadka & garab istaagga Soomaaliya.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gogol wada hadal u fidiyay dhammaan Siyaasiyiinta dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta khudbad uu jeediyay kaga hadlay xaaladda guud ee dalka…

10 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isbeddel ku sameeyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka…

10 hours ago

Dowladda Soomaaliya oo maanta degmada Ceelbarde kula la wareegtay 220 Askari

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool kula la wareegtay 220 Askari oo…

14 hours ago

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay howlgallo Militeri ka billaawday Koofur Galbeed

Ciidamada Militeriga Soomaaliya gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka wada…

16 hours ago

Maxay ka dhigan tahay in Shirkadaha Korontada ay sameeyaan qiimo kordhin?

Shirkadaha Korontada ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in ay kordhiyeen qiimaha ay ku dhuftaan…

19 hours ago

Nuxurka Khudbadda Deni uu ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada DG Puntland

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo furay kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada Maamulkaas ayaa…

21 hours ago