Magaalada Muqdisho waxaa maanta ku kulmay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa Howlgalka AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene & Ku Simaha Safiirka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Davis Justin.
Kulanka waxa uu daarnaa sidii ay uga xaajoon lahaayeen wadashaqaynta ka dhex jirta Howlgalka AUSSOM iyo Dowladda Maraykanka maadaama dhawaan Xukuumadda Washington ay qaadatay go’aan ay ku jartay kaalmadii ay siin jirtay howlgalkaan.
Wixii ka dambeeyay go’aankaas, Ururka Midowga Afrika ayaa kordhiyay kulamada dhexdiisa ah iyo kuwa uu la qaadanayo Dowladda Federaalka, Dalalka ciidamada soo dirtay iyo kuwa qaybta ka qaata bixinta dhaqaalaha lagu socodsiinayo howlgalkaan.
Kulankaan waxa uu kusoo aadayaa iyada oo isla maanta Magaalada Addis Ababa ay ka socdaan shirar looga hadlayo mustaqbalka howlgalka AUSSOM, waxaa sidoo kale lagu wadaa in 27, 28, 30 & 31ka Bishaan ay qabsoomaan kulamo lamid ah kuwa hadda socda.
Mustaqbal
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…