Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Shiikh Cali Fartaag ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu.
Kulanka ayaa looga wada hadlay iskaashiga amni ee ka dhaxeeya labada dal, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay taageerada Dowladda Shiinaha ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhisidda, tayeynta ciidamada amniga iyo la dagaallanka AS iyo Daacish.
Danjiraha Dowladda Shiinaha, Wang Yu, ayaa xaqiijiyey in dalkiisu ka qeyb qaadanayo Amniga Soomaaliya gaar ahaan sidii looga hortagi lahaa qaraxyada Miinada ee xilliyada qaar aasaan AS.
Wasiir Fartaag ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada ay siiso hay’adaha amniga Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashigaasi uu qeyb ka qaadan doono sugidda xasilloonida iyo amniga dalka.
Shiinaha ayaa kamid ah Dowladaha Soomaaliya ka taageera dhinaca Amniga, iyagoo ka qeyb qaata tababarada iyo tayeynta Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.
Mustaqbal
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…