GUDAHA/wararka

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul wasaare Xamse iyo Safiirka Shiinaha?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu, waxaana kulanka diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Intii uu socday wada hadalka, labada dhinac ayaa si gaar ah uga arrinsaday horumarka laga sameeyay dhinaca amniga, mashaariicda horumarineed ee ka socda dalka, iyo fursadaha iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Ra’iisul Wasaaruhu ayaa carrabka ku adkeeyay in amniga dalka uu si tartiib ah u soo hagaagayo, taasoo suurta gelisay in la dardar-geliyo mashaariicda horumarineed.

Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay dowladda Shiinaha gargaarkii bani’aadannimo ee dhawaan la gaarsiiyay gobolka Awdal, isaga oo tilmaamay in taageeradaasi ay muujinayso saaxiibtinimada iyo garab-istaagga Shiinaha ee shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, safiirka Shiinaha Wang Yu ayaa sheegay in Shiinaha ay ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga dhinacyada badan ee kala duwan, isaga oo muujiyay ku qanacsanaanta kalsoonida dowladda Soomaaliya ay u muujisay Shiinaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad cusub oo ay dunidu u baahan tahay inay indho cusub ku eegto, maadaama nabad, xasillooni iyo kala dambeyn ay ka hirgaleen inta badan dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho, taas oo gogol xaar u ah maalgashi caalami ah oo toos ahah.

Mustaqbal

 

MM Staff

Recent Posts

Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?

Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…

52 mins ago

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

5 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

7 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

9 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

9 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

9 hours ago