Wafdi sare oo ka socda Dowladda Mareykanka ayaa manta gaarey magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Jubbaland, halkaasi oo ay kulamo kula yeesheen Mas’uul uu kamid yahay madaxweynaha maamulkaasi, Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
Wafdigaan oo uu hoggaaminayo Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Danjire Richard H. Riley ayaa kala hadlay Madxweyne Axmed Madoobe xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha amniga iyo taageerada arrimaha binu aadanimada.
Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya gaar ahaan khilaafadka taagan, inkasta oo aan lagu xusin War-saxaafadeedka ka soo baxay maamulka Jubbaland.
“Intii uu socday kulanka, oo ay Madaxweynaha ku wehliyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah, ayaa si qoto dheer looga wadahadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan arrimaha amniga, taageerada Dowladda Maraykanka ee mashaariicda horumarineed, iyo xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Maamulka Jubbaland.
Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud tagey magaalada Kismaayo, halkaasi oo uu kulamo natiijado ku soo dhammaadeen kulamo uu la yeeshay Axmed Madoobe.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…