Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa maanta kulan la yeeshay dhigiisa dalka Jabbuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dowladood ee dhinacyada Amniga, gaar ahaan xoojinta dagaalka AS.
Intii uu socday kulanka, labada Madaxweyne waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku aadan xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika, iyaga oo adkeeyay baahida loo qabo iskaashi dhow iyo wada-tashi joogto ah oo ku saleysan danaha wadajirka ah.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay xaaladaha bini’aadantinimo ee ka dhashay abaaraha saameeyay qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan gobolka Awdal.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka codsaday dowladda Jabuuti in ay kaalin wax ku ool ah ka qaadato gurmadka iyo taageerada loo fidinayo bulshada Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool Gobolka Awdal.
Jabbuuti ayaa ciidamadeeda oo ka tirsan Howlgalka AUSSOM, waxaa ay ku sugan gobolka Hiiraan, iyaga oo qeyb ka ah dagaalka AS.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…