GUDAHA/wararka

Maxay Israa’iil ay uga welwelsan tahay in Sacuudiga uu samaysto Hubka Nukliyeerka?

Wixii ka dambeeyay markii Maraykanka uu ku dhawaaqay in uu Boqortooyada Sacuudi Carabiya la galay heshiis la xiriira dhinaca Barnaamijka Nukliyeerka ah balse arrintaas ay kahor timid Xukuumadda Israa’iil oo Washington ku qasabtay in ay caqabad hordhigto isla heshiiskaas.

Israa’iil ayaa walaac ka muujisay arrintaan iyada oo sheegtay in aanay suuragal noqon Karin in Sacuudiga iyo Dalalka kale ee Carabta ah helaan hubkaas halistiisa wata maadaama ay marweliba la nooshay xaalad cabsi ah.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa markii arrintu ku cuslaatay kaddib oo dhinac weliba ay uga soo buuqeen Israa’iil iyo xulufadeeda waxa uu miiska soo dhigay in Sacuudiga uu shuruud uga dhigayo fulinta heshiiskaas in uu ku biiro heshiiska Abraham Accords.

Maamulka Israa’iil ayaa sidaan oo kale waxa uu horay Isutagga Imaaraatka Carabta uga hor istaagay in ay hesho fursad ay ku abuuran karto Barnaamij Nukliyeer ah, waxa ay Tel Aviv diidan tahay in Dalalka Carabta ay ku helaan hubkaas oo nafteeda ay kala baqayso.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

2 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

3 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

4 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

5 hours ago

Maxay tahay fariinta Puntland ay u dirtay Galmudug?

War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…

6 hours ago

Iiraan oo Ukraine ugu hanjabtay inay jawaab ka siin doonto Markabka ay ku beegsatay Badda Caspian

Dowladda Iiraan ayaa si caro leh uga hadashay weerarkii Ukraine ay ku beegsatay mid kamid…

7 hours ago