GUDAHA/wararka

Dagaal sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Deegaanka Waab-weyn Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Dowlad-Goboleedka HirShabeelle waxaa ka dhacay dagaal dhexmaray Ciidamo kuwa deegaanka ah ee loo garanayo Macawiisleyda iyo ‘AS’ waxaana kolkii dambe ku biiray ciidanka Federaalka.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii xubno katirsan ‘AS’ ay dileen labo qof oo deegaanka ah kuwaas oo la sheegay in ay ka caroodeen ciidamada Macawiisleyda kuna duulleen mid kamid ah goobihii ay ku sugnaayeen xubnahaas katirsan ‘AS’

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaalkaas inkasta oo aan la hayn tiro rasmi ah, waxaana markii dambe Macawiisleyda u gurmaday ciidamo katirsan kuwa Federaalka, waxaana dhanka kale la maqlay duqayn ilaa hadda aan faahfaahin laga helin.

Deegaanno hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday dhaqdhaqaaq ciidan oo iska soo horjeeda oo ay wadaan ciidamada Dowladda oo garab ka helaya kuwa deegaanka ee Macawiisleyda iyo ‘AS’ oo kasoo horjeeda.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

3 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

4 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

6 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

6 hours ago

Maxay tahay fariinta Puntland ay u dirtay Galmudug?

War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…

7 hours ago

Iiraan oo Ukraine ugu hanjabtay inay jawaab ka siin doonto Markabka ay ku beegsatay Badda Caspian

Dowladda Iiraan ayaa si caro leh uga hadashay weerarkii Ukraine ay ku beegsatay mid kamid…

8 hours ago