Dad badan oo xitaa qaarkood daawan ciyaaraha ayaa xalay lagu arkay meelo kala duwan oo lagu daawanayay kulan ciyaareedkii dhexmaray Spain vs Argentina iyaga oo taageeraya Qaranka La roja iyada oo ay jirtay hal sabab oo arrintaas dhalisay.
Sababtaas waa in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu uu sheegay kahor ciyaarta in uu taageero u yahay Xulka Argentina kana soo horjeedo Spain oo marar badan kahor timid dhibaatooyinka uu ka gaysanayo maamulkiisa Bariga Dhexe.
La Rojo inkasta oo aanay gaarayn xamaasadda guuxa dadka garab istaagga u muujiyay balse waxa ay u noqotay fariin dhiirragelin ah maadaama meelo badan oo Caalamka ah laga taageerayo loogana sacbo tumayo.
Magaalada Gaza waxa ay kamid noqotay meelaha xalay sida weyn looga daawaday ciyaartii ay Spain ku hanatay koobkeedii labaad ee Adduunka kana guulaystay Xulka Argentina iyaga oo ku xumaynayay Maamulka Benjamin Netanyahu.
Falastiiniyiinta oo maanka ku haya abaalka ay u galeen Spain oo xitaa hab-maamuus wanaagsan oo ay ku taageerayaan u sameeyay kulamadii xilli ciyaareedkii dhammaaday ayaa markooda taageerro xooggan u muujiyay xalay.
Meelaha kale ee sida wayn looga daawaday waxaa kamid ah Magaalada Muqdisho, qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa la dhigay Shaashado waa weyn iyada oo halkaas ay joogeen Shacab iyo mas’uuliyiin kala duwan oo Dowladda Federaalka katirsan.
Dhinac waxa ay ka ahayd Fariin muujinaysa isbaddelka Amniga ee Caasimadda ka jira halka dhanka kalena ay ahayd muujnta sida ay uga soo horjeedaan Taageerista Benjamin Netanyahu ee dhinaca Argentina isla markaana muujiyaan in ay dhinaca Spain jiraan.
Mustaqbal
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…