Magaalada Baydhabo xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed waxaa ka socda loolan xooggan oo u dhaxeeya Musharrixiinta doonaysa in ay u tartamaan Hoggaamiyaha maamulkaas iyada oo qaarkood ay cabasho gudbiyeen.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa cabasho ka keenay habka loola dhaqmayo musharrixiinta qaar halka qaar kale culays lagu saarayo waa sida uu hadalka u dhigay, waxa uu dalbaday in si siman loogu qabto tartanka Doorashada Hoggaamiyaas.
“Waxaan u baahannahay musharrax aan simannahay oo tartanno, waligeed lama arag iyada oo la leeyahay warqadaha doorashada iisoo sawir” sidaasi waxaa yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kamid ah Musharrixiinta Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.
Doorashada Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa lagu wadaa in ay dhacdo Berri iyada oo ay u tartamayaan saddex musharrax oo kala ah, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Shariif Xasan Sheekh Aadan & Cabdicasiis Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Mustaqbal
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…
War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…