GUDAHA/wararka

Maxaa kajira isdaldalaadda Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya oo kadhacday Muqdisho?

Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed,oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa laga helay Meydkiisa Xerada Sheelare ee degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho meel u dhow gurigiisa oo kudhexyaal xeradaas.

Sida ay sheegayaan wararka kusaabsan geerida Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed waxa uu shalay tegey taliska Booliiska ee magaalada Muqdisho isaga oo  kacabanaya cadaadis dhinaca deganaanshaha ah kaddib amar kusaabsan in uu kaguuro guriga ay isaga iyo qoyskiisuba kadeganaayeen xerada Sheelare ee degmada Xamarjajab.

Xaaska Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed Deeqa Axmed ayaa u sheegtay Mustaqbal in Allaha u naxariistee Cabdi Cali Seed ay habeenimadii xalay 11:00pm la soo xiriireen dhowr qof kaddibna ay guriga ugu yimaadeen qiyaastii 5 nin kuwaas oo kacodsaday in uu bannaanka u soo baxo, waxa ay sheegtay in ay u qaadatay in uu shaqo gelayo balse wixii kadambeeyey markii uu guriga ka baxay lama arag illaa saaka meydkiisa oo xarig qoorta ugu jiro lagu arkay meel guriga u muuqata oo kamid ah xerada Sheelare.

Meydka Cabdi Cali Seed waxaa ka muuqday astaamo ay kamid yihiin jabjab, sidaas oo kalana kursi ayaa hoos yiil meydka iyada oo ay laanta dembibaarista ee booliiska Soomaaliya qaadatay dhammaan wixii astaamo ah ee yiil goobta dembigu kadhacay.

Wararka qaar ayaa muujinaya in uu jiray cadaadis uu taliska booliisku saaray qoysas deganaa xeradaas kaas oo ahaa in ay kaguuraan guud ahaan xerada oo ay deganaayeen muddo dheer, sidaas oo kalana waxa jiray duruuf dhinaca dhaqaalaha ah oo haysatay Cabdi Cali Seed iyo qoyskiisa.

Dadka deegaanka ayaa isku soo baxay Xerada ay mashaqadaan ka dhacday oo ah mid aad u yar ama dhif iyo naadir ah marka la eego dilka u dhacay qaabkan.

Maamulka Degmada Xamar Jajab iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa sheegay in ay baaritaan ku hayaan waxa sababay dhacdadaan,oo ay ku sheegeen mid ugub ku ah Saraakiisha Soomaaliyeed.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Saraakiishooda waxaa heysata dhibaato dhinaca dhaqaalaha ah, iyada oo askarta ay bishii mushaar ahaan u qaataan lacag aan dabooli karin ama aan ku filneyn nolosha reerkooda,waxaana Dowladu sheegtay in miisaaniyadda ugu badan ay galisay dhismaha Ciidanka Amaanka.

Dhinaca kale waxa aan jirin qaybta cilmi-baarista ciidanka iyo u dhabbagalka ciidanka guud ahaan si ugu yaraan xal loogu helo dhibaatooyinka dhinaca nolosha, waxaana gebi ahaanba howlgeb ah ilihii daryeelka dhaqaalaha  ciidanka sida farsmada.

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

9 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

11 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

14 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

14 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

15 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

15 hours ago