Waxaa 24 saac la soo dhaafay baraha burshada iyo Warbaahinta Madaxa banaan qaarkood Qoreen in dadka ka soo jeeda Gobolada Baay iyo Bakool ee Koofutya Soomaaliya lagu amray in ay iskaga guureen deegaanada Maamulka Galmudug.
Saarkiil ka tirsan Ciidanka Maamulka Galmudug oo ay lahadashay Mustaqbal ayaa gaarshaanka u daruuray warkaan iyaga oo warbaahinta qaarkood ku eedeeyay in ay faafinayaan war aan jirin sida ay sheegeen.
Sarkaalka ay lahadashay Mustaqbal ayaa intaas ku daray in ay ku badan yihiin degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb dadka soo jeeda Baay iyo Bakool ayna ku leeyihiin Ganacsiyo badan cidii ku xadgudubtana ay sharciga latiigsanayaan.
Waxa ay Mustaqbal isku dayday in wax ka waydiiso dadka ku ganacsada Dhuusamareeb ee hayb ahaan ka soo jeeda Koofurta Soomaaliya waxaase ay ka gaabsadeen in ay hadlaan warkaan, waxa aysa xaqiijiyeen in ay goobahooda ganacsiga ay ku sugan yihiin haatan ayna jirin cid cadaadis saartay.
Mustaqbal ayaa inta ay ku jirtay raadinta Xogtaan ogaatay in Ciidanka amaanka ay ku amreen dadka deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolada Baay iyo Bakool lagu amray in ay soo diiwaan galiyaan qofkii ku soo kordha deegaanada Galmudug ee ka soo jeeda Koofurta Soomaaliya.
Sarkaal Magaciisa dalbaday in aan loo adeegsan Warbaahinta ayaa u sheegay Mustaqbal in amarkaan uu yimid ka markii Magaalada Guriceel ee Gobolka Galguduud 18 Radamaan lagu qabtay nin ay sheegeen in ka soo jeeday Gobolka Bakool.
“Waxaan kuu Xaqiiji karaa in lala shiray dad kasoo Jeedo koonfur galbed si loogu war sheego in Qofkii ku heyb ah ee kaso jeedo koonfur galbed ee Deeganka Maamulka Galmudug imaanayo laso diiwan galiyo lana si loo xaqiiyo amaanka deegaanada Galmudug” ayuu yiri Sarkaalkaan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…