Dowladda Mareykanka ayaa wada qorshe cusub oo lagu adkeynayo helida Fiisaha dalkasi, kaas oo saameynaya dalxiisayaasha shisheeyaha ee doonaya in ay booqdaan wadankaasi.
Warbixin ay soo saartay Hay’adda Ilaalada Xuduudaha ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in qofkadta oo doonaya inuu ku dalxiiso gudaha Mareykanka laga rabo xogtiisa iyo qoraallada uu shantii sano ka hor uu ku daabacay Baraha Bulshada.
Saraakiisha ayaa hubinaya in ruuxa dalbanaya Fiisaha uu soo qoray ereyo iyo warbixinno ka hor imaanaya danaha Mareykanka, iyadoo intaasi ka dib la qiimeyn doono.
Sidoo kale, dadka soo galaya Mareykanka waxaa laga dalban doonaa inay bixiyaan cinwaanada, lambarradii teleefannada ay adeegsadeen, iyo xog ku saabsan xubno ka tirsan qoysaskooda.
Qorshahan ayaa imanaya xilli Mareykanku isu diyaarinayo inuu martigeliyo Koobka Adduunka 2026 iyo Ciyaaraha Olombikada 2028, tartamadaasi oo ay daneynayaan in ay goobjoog noqdaan dalxiisayaal badan oo shisheeye.
Warbixin hore oo bishii August soo baxday ayaa sheegtay in maamulka Trump uu sidoo kale rabay in Saraakiisha Socdaalka hubiyaan Akoonnada Baraha Bulshada ee dadka codsanaya dhalashada wadankaasi ee u badan Muhaajiriinta.
Go’aanka cusub ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafya Madaxweyne Trump hadallo naceyb ku qotoma ka faafinayay bulshada Soomaaliyeed.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…