WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

Maraykanka:-si joogto ah aan u diidanahay iibasashada Turkey ee habka difaaca gantaallada Russia ee S-400.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay si qoto dheer uga walaacsan tahay warbixino sheegaya in Turkey ay waddo dadaallo hore leh oo ay ugu weecaneyso iibsashada iyo isticmaalka gantaallada Russia.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka, Morgan Ortagus ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegtay in Washington ay sii waddo in ay “si joogto ah” u diidan tahay iibasashada Turkey ee habka difaaca gantaallada Russia ee S-400.

“Waxaan sidoo kale si qoto dheer uga walaacsannahay warbixino sheegaya inay Ankara waddo dadaallo ay hubkaas uga dhigeyso kuwa howl-gala,”ayey tiri Ortagus.

“Waxaan sii wadi doonnaa inaan sida ugu sarreysa u muujinno in howl-galinta habka difaaca gantaallada ee S-400 ay horseedi doonto cunaqabateyn ka dhan ah Turkey, ayada oo la eegayo xeerka CAATSA, islamarkaana ay caqabad ku noqon doonto xiriirka labada dal iyo kan NATO.”

Ortagus ayaa sheegtay inay ku kalsoon tahay in madaxweyne Erdogan iyo saraakiisha sare ee Turkey ay fahmi doonaan mowqifka Mareykanka.

Turkey ayaa marar badan horey ugu cel-celisay inaysan joojin doonin iibsashada iyo adeegsiga habka difaaca gantaallaha ee S-400, islamarkaana ay u madax-banaan tahay go’aan ka gaarista arrimaheeda gudaha.

Hase yeeshee Mareykanka iyo NATO, oo Turkey ay xubin ka tahay, ayaa ku dooday in howl-galinta barnaamijkaas ay keeni karto in Russia ay hesho sirta NATO, maadaama qalabkaas uu la fal-geli doono qalab NATO ay leedahay.

Isha: Reuters & VOA.

MM Staff

Recent Posts

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

18 mins ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

39 mins ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

2 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

3 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

3 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

17 hours ago