GUDAHA/wararka

Maraykanka oo ka walaacsan Saldhig Ruushku ka raadinayo Berbara.

Saraakiisha dalka Raashiya ayaa la sheegay inay indhaha ku hayaan Dekedda magaalladda Berbera, si ay uga dhistaan Saldhig Milliteri, sida laga soo xigatay Saraakiil ka tirsan Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon.

Saraakiishaasi oo la hadlay Wargeyska The New York Times wax faahfaahin ah kama bixinin haddii ay Dowladda Raashiya heshiis la saxiixatay DF ama Maamulka Somaliland, si ay Saldhig Millityeri uga dhistaan magaalladad Berbera ee kaabiga ku haysa Gacanka Cadmeed.

Saraakiishaasi waxa ay kaloo sheegeen in ay Raashiya aad u danaynayaan sidii ay Xarun Loojistikadda Ciiddanka Badda uga dhisan lahaayeen gudaha dalka Eritrea, balse, ma kala cadda muddada ay Wada-xaajoodyadaasi qaadan doonto.

Somaliland ayaa daneynaysa in ay marti-geliso saldhigyo military oo Berbera ku yeeshaan dalalka Ingiriiska iyo Ruushka, si ay u dardar-geliyo halganka ay mudada 28-ka sano ugu jirto in ay aqoonsi caalami ah hesho.

Dhawaan ayaa Wasiirka difaaca Ingiriiska, Gavin Williamson ayaa booqasho aan horey loo shaacin ku tagey Somaliland, isagoo Hargeysa kula kulmay Madaxweyne Muuse Biixi, Wasiirka arrimaha Dibadda, Yaasiin Xaaji, Wasiirka difaaca, Ciise Axmed iyo Nuux Ismaaciil Tani oo ah Jeneraal ciidan.

Safarka uu Gavin ku tagey Somaliland ayaa ka caraysiisay dowladda Federaalka, kadib markii uu baajiyay safar u qorsheysanaa in uu Muqdisho ku tago iyo kulan uu la qaadan lahaa Madaxweyne Farmaajo sida ilo kale duwan ka soo xigtay Mustaqbal.

Wargeyska The Independent ee kasoo baxay dalka Britain ayaa daabacay in talaabada uu wasiirku qaaday ay salka ku hayso go’aankii ay xukuumadda Soomaaliya ka qaadatay eryida wakiilkii Qaramada Midoobay, Nicholas Haysom.

Haysom ayaa dalka laga eryay kadib markii uu ka dalbaday in Xukumadu ay sharaxaad ka bixiso xariga Mukhtaar Roobow iyo dad ku dhintay rabshado ka dhashay markii lasoo xiray ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab.

Ingiriiska, Germany iyo Midowga Yurub ayaa cambaareeyay ceyrinta Haysom, kaasi oo Xoghayaha guud ee UN-ka go’aan ku gaarey in uu bedalo markii lagu eedeeyay faragelinta arrimaha gudaha ee dalka.

Isha:The New York Times,The Independent & Mustaqbal Radio.

MM Staff

Recent Posts

Dowladda Suudaan oo Maamulka Puntland ku eedeysay in uu qayb ka yahay colaadda ka jirta Dalkeeda

Saraakiil ciidan oo katirsan Dowladda Suudaan ayaa Maamulka Puntland ee Soomaaliya ku eedeeyay in uu…

4 hours ago

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay naqshadda cusub ay u baddeshay Baasaboorka Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay naqshadda cusub ee Baasaboorka dalka maadaama ay xubin rasmi…

5 hours ago

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Hubka oo laga mamnuucay

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay waxaana laga mamnuucay in ay hub ku dhex…

6 hours ago

Dowladda Soomaaliya oo muddo saacado ah ku xirtay Ryan Bridge gudaha xerada Xalane

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo saacado ah ku xirtay Ryan Bridge, oo ah nin u dhashay…

20 hours ago

Aadan Mqdoobe oo guddoomiyay kulan diirada lagu saaray xaaladda Amni ee Koofur Galbeed

Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa magaalada Baydhabo ku guddoomiyay kulan aan…

22 hours ago

Muxuu yahay Cadaadiska uu Abiy Ahmed ku hayo Wasiirradiisa?

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa cadaadis xooggan ku haya Wasiirradiisa isaga oo ku cadaadinaya…

1 day ago