Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madax sare oo ka tirsan Dowladda ayaa ka qeyb galay Munaasabada 26 June ee Xurriyada gobollada Waqooyi.
Madaxweynaha ayaa xusay halyeeyadii gobollada waqooyi ee horseeday xoreynta iyo midnimada, isagoo sheegay in bulshadaas ay door wanaagsan ka qaateen garashada in xorriyaddu aysan ahayn oo kaliya ka tagista gumeystaha, balse ay ka dhigan tahay xaqiijinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.
“Midnimada marka laga hadlaayo Koofur iyo Waqooyi kaliya maaha, Koofur ayaa dhexdeeda u baahan in ay midowdo” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ku dadaaleyso mideynta dalka iyo sidii Khilaafadka jira wada hadal loogu xallin lahaa.
Mustaqbal
Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…