Magaalada Kampala ayaa 23-ka Abriil martigelin doonta shir-madaxeed oo ay isugu imaanayaan dalalka ciidanka ay ka joogaan Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka taageerada iyo xasilinta ee Midowga Afrika (AUSSOM).
Shirkan ayaa la filayaa in uu xal u raadiyo hoos u dhaca dhaqaale ee saameeyay howlgalka AUSSOM, oo ah mid laf-dhabar u ah nabadgelyada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo madaxda dalalka gobolka ayaa ka qayb geli doona shirkan, iyadoo la filayo in lagu xoojiyo taageerada dhaqaale iyo midda siyaasadeed ee howlgalka, si loo sii wado dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Uganda, oo ka mid ah dalal ugu badan ee ciidanka ku taageera Howlgalka AUSSOM, ayaa ku baaqday in beesha caalamku ay ka shaqeyso sii wadista taageerada si looga hortago dib u dhac amni oo ka dhaca gobolka.
Shirka Kampala ayaa ah fursad muhiim ah oo lagu mideynayo dadaallada caalamiga ah si loo helo maalgelin joogto ah oo lagu sii wadi karo howlgalka AUSSOM qeybna ka ah howlgalka AUSSOM.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…