GUDAHA/wararka

Madaxweynaha Puntland oo Gudoomiye cusub iyo kuxigeenadiisa u soo magacaabay gobolka Mudug.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa maamul cusub u soo magacaabay gobolka Mudug, isagoo xilalkii ka qaaday maamlkii hore uga jiray gobolka.

Sida ku cad Wareegto uu soo saaray madaxweynaha, Axmed Muuse Nuur waxaa loo soo magacaabay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Mudug, iyadoo loo sameeyay laba Gudoomiye Kuxigeen.

Halkan Hoose ka Aqriso Wareegtada madaxweynaha Puntland uu soo saaray:

Madaxweynaha Dowadda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 27 May 25, 2019, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Guddoomiye Ku-xigeenada Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda

Puntland.

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo waaya

aragnimadooda shaqo

Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa Axmed Muuse Nuur loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

  1. Waxaa Xasan Cabdullaahi Warsame (Wardheere) loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Mudug.

3.Waxaa Maxamed Xasan Xuseen (Waloore) loo magacaabay Guddoomiye Ku- Xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug.

  1. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-

News Editor

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

2 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

4 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

7 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

7 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

8 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

9 hours ago