Banaadir

Madaxda Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Eritrea oo yeelanaya kulan gaar ah

Madaxweynayaasha iyo madaxda Masar, Eritrea, Soomaaliya iyo Suudaan ayaa lagu wadaa in ay maanta kulan afar geesood ah ku yeeshaan magaalada New Alamein ee waqooyiga Masar, iyadoo diiradda lagu saarayo xaaladda gobolka iyo isbeddellada ka socda Geeska Afrika.

Shirka waxaa ka qeybgalaya Madaxweynaha Masar Cabdel Fataax Al-Sisi, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Guddoomiyaha Golaha Sare ee Suudaan Cabdel Fataax Al-Burhaan.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Masar ayaa lagu sheegay in kulanka uu qayb ka yahay wada-tashi iyo isku-duwid ku saabsan arrimaha gobolka ee ay labada dhinac daneynayaan.

Madaxtooyadu faahfaahin dheeraad ah kama bixin qodobada si gaar ah looga wada hadli doono, hase yeeshee kulanka ayaa ku soo beegmaya xilli ay gobolka Geeska Afrika ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo amni.

Shirkan ayaa sidoo kale dhacaya iyadoo xiriirka Itoobiya iyo Eritrea uu xumaaday, halka Masar iyo Itoobiya ay hore ugu kala ceyriyeen diblomaasiyiintooda.

Dhinaca kale, dagaallo ayaa bishii Sebtembar dib uga qarxay waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan gobolka Tigray, iyadoo ciidamada federaalka Itoobiya ay dagaal la galeen isbahaysi mucaarad ah oo uu hoggaaminayo TPLF.

Dagaallada ayaa sidoo kale ku fiday qaybo ka mid ah koonfurta Tigray iyo gobolka deriska la ah ee Cafar.

Mustaqbal

 

 

 

MM Staff

Recent Posts

MW Xasan Sheekh Maxamuud “Ma aqbali doonno in Israa’iil ay joogto Soomaaliya”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uusan is baddelin mowqifka ka…

2 hours ago

Trump oo ololaha doorashada dhexe ee Maraykanka ka dhigay mid uu ku dhaleeceeyo Dalal iyo Xisbiga Dimuqraadiga 

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump oo ku jira ololaha doorashada waqtiga dhexe ee Dalkaasi ayaa taageerayaasha…

2 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo dhigiisa Masar?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhigiisa dalka…

17 hours ago

Soomaaliya oo cambaareysay weerar lala beegsaday xaruunta Korontada siisa Masjidka Nabiga SCW

Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in lala xisaabtamo cid kasta oo ku lug yeelata Weerarka…

20 hours ago

Trump “Waxa aan joojinay qaadashada Qaxootiga ka imaanaya Soomaaliya”  

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen qaadashada Qaxootiga Soomaaliya isaga oo…

24 hours ago

Abiy Ahmed oo dagaalka Tigray u adeegsanaya Maleeshiyaad kasoo jeeda Ismaamulkaas

Xukuumadda Abiy Ahmed ayaa dagaalka ka socda Waqooyiga Dalkaas gaar ahaan Ismaamulka Tigray u adeegsanaysa…

1 day ago