Madaxda Itoobiya,Eritrea iyo Soomaaliya oo maanta shir ku leh Asmara.

Hoggaamiyayaasha dalalka Soomaaliya.Itoobiya iyo Eritrea ayaa shir ku yeelanaya Magaalada Asmara ee Xarunta Dalka Eritrea.

Shirkan oo xoogga lagu saarayo khilaafka u dhaxeeya dalalka  Jabuuti iypo Eritrea ayaa waxaa si wadajir ah uga qeybgelaya Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Ra’islawasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa saaka ka degay Magaalada Dekadda leh ee Casab,halkaas oo uu kula kulmay Madaxwenaha  Eritrea.

Waxaa uu booqday qeybaha kala duwan ee Dekadda Casab oo 71km u jirta Sohdinta Itoobiya islamarkaana uu doonayaa in Badeecadaha Itoobiya kala soo degeyso Dekadda Casab in ay soo maraan waddo u dhaxeysa Casab iyo Itoobiya.

Wasiirka Warfaafinta Dalka Eritrea Yemane G. Meskel,ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in shirka uu furmayo Galabta islamarkaana madaxda saddexda dal ay yeelanayaan kulan muhiim ah.

 

Bishii July ee la soo dhaafay ayey Hoggaamiyayaasha Itoobiya iyo Soomaaliya booqdeen dalka Eritrea iyaga oo la saxiixday heshiisyo kala duwan.

Shirkan waxaa looga hadlayaa sidii Earitrea looga celin lahaa dhulka iyo Maxaabiista ay ka heysato Dowladda Jabuuti.

Mustaqbal media

Recent Posts

Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod

Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…

8 hours ago

Kenya oo xaqiijisay in shan askari looga dilay dagaal ay la galeen AS

Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…

11 hours ago

Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Al-Aqsa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…

13 hours ago

Maxay qabtaan gaadiidka Gaashaaman ee Turkiga soosaaray ee lagu arkay Ciidanka Soomaaliya?

Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…

14 hours ago

Muxuu yahay Mashruuca Bangiga Adduunka uu ka hirgalinaya Soomaaliya ee laga reebay magaalada Laascaanood?

Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…

14 hours ago

XFS oo beenisay in Safaaradda Soomaaliya ee Berlin ay leedahay Dhismo ku yaalla Friedenau

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay War hadal hayn dhaliyay oo ku saabsan in ay leedahay…

15 hours ago