Xubnaha Mucaaradka ah ee ku midoobay Madasha Samatabixinta Soomaaliya ayaa ka gaabsan ka falcelinta Go’aanka Xukuumadda Federaalka ee ka dhanka ah Isutagga Imaaraatka Carabta ee dalka looga eryay laguna joojiyay heshiisyadii horay ay ula gashay.
Dadka ka falceliyay ee mucaaradka ah kana madaxbannaan madasha Samatabixinta waxaa kamid ah Madaxweynihii 9aad ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse xubnahaas kale ee mucaaradsan Dowladda Federaalka kama aysan hadlin.
Hadal hayn badan ayaa ka dhalatay go’aankooda aamusnaanta ah ee xubnahaan Golaha Samatabixinta maadaama aanay aragtidooda dhinacna u dhicin waa haddii ay diidan yihiin iyo haddii ay raacsan yihiin.
Xubnaha aamusan ee aan ka falcelin go’aankaas waxa ay kala yihiin Shariif Sheekh Axmed, Maxamed Xuseen Rooble, Xasan Cali Khayre, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo xubno kale.
Haddaba, maxay ka dhigan tahay aamusnaanta mucaaradka ee la xiriirta go’aanka Dowladda Federaalka ee ka dhanka ah Isutagga Imaaraatka Carabta? Waa su’aal hortaalla oo laga sugayo jawaabta ay ka bixiyaan
Mustaqbal
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…